Cali Xasan Joho oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay wasiirka wasaaradda macdanta iyo kheyraadka badaha ayaa xilli maanta la turxaan bixinayay sheegay in qiimo ahaan ay hantidiisu tahay 2.3 bilyan oo shilin.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in hantidan ay ka kooban tahay ganacsiyo sida guriyo , shirkad bixisa adeegyada tasiilaadka, lacago caddaan ah oo u kaydsan iyo saamigiisa shirkadaha maalgashiga.
Cali Xasan Joho ayaa cadeeyay in isaga iyo qoyskiisaba aynan ganacsi la sameyn dowladda.
Sidoo kale mar la waydiiyay su’aal la xiriirtay inuu barta TikTok ku soo bandhigo hodontinnimadiisa ayuu sheegay in ay jiraan waxyaabo qaali ah oo uu leeyahay balse uu kala saaraya marka uu u adeegaya shacabka iyo xilliyada isaga gaarka u ah ee uu muujin karo farxadda nololeed.
Barasaabkii hore ee Mombasa ayaa tilmaamay inuu diiradda saari doono gudashada waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
Wuxuu intaasi ku daray in waxyaabaha qaaliga ah sida saacadaha uu xirto uu lahaa ka hor xita inta uunan noqon xildhibaanka deegaanka Kisauni.
Joho ayaa ku celceliyay inuu fahansan yahay sida uu iskugu dheellitiri karo la jaanqaadka shacabka iyo noloshiisa khaaska ah isagoo intaasi raaciyay in aynan cidna ka faa’iidayn soo bandhigidda hodontinnimadeeda.
Xildhibaannada deegaanka Galbeedka Samburu , Naisula Lesuuda ayaa Joho waydiisay sida uu ula shaqeyn doono madaxweyne William Ruto oo uu horay aad u dhaliili jiray maamulkiisa.
Waxaa uu ku jawaabay in keliya qof doqon ah uunan fikradiisa beddelin sidaasi awgeedna maadaama hadda la siiyay fursad uu qaranka ugu adeegi karo uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo madaxweynaha si uu isbeddel u sameeyo.
Waxaa uu sheegay in isaga iyo madaxweynaha ay shacabka u wada adeegayaan sidaasi awgeedna ay jirin sabab uu u mucaarado.