Wasiirka magacaaban ee wasaaradda arrimaha dhallinyarada , cayaaraha iyo hal-abuurka dhaqaale Kipchumba Murkomen ayaa beeniyay in xilligii uu hoggaaminayay wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka uu shirkad laga leeyahay dalka India ka iibiyay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Murkomen ayaa lagu eedeyay inuu heshiis arrinkan ku aaddan la saxiixday shirkadda Adani Airport Holdings Limited.
Hasa ahaate, xilli ay turxaan bixinayeen xubnaha guddiga baarlamaanka u qaabilsan su’aallo waydiinta shakhsiyaadka loo soo magacaabo qabashada xilalka dowladda ayuu Murkomen cadeeyay in is-afgaradkaasi uunan ahayn mid lagu iibinayay JKIA.
Waxaa uu ku tilmaamay iskaashi ka dhexeeya dowladda iyo shirkad si gaar ah loo leeyahay oo lagu ballaarinaya garoonka diyaaradeed.
Murkomen ayaa hoosta ka xarriiqay in ka wasiir ahaan uunan awood u lahayn inuu si madax bannaan u saxiixo heshiisyada noocani ah ee loo yaqaano (PPP) .
Wasiirka magacaaban ee cayaaraha ayaa sheegay in marka ugu horreysa la doonaya in maamulka maareeya garoomada diyaaradaha dalka ee KAA uu qiimeyn sameeyo si loo ogaado faa’iidada arrinkan ku jirta iyo tayada shirkadda heshiiska lala galaya.
Intaasi ka dib, wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka ayaa laga doonaya in ay eegto in la awoodi karo qiimaha lacageed ee barnaamijkan iyo saameynta iskaashigan .
Murkomen ayaa xaqiijiyay in dowladdu aynan weli soo gabagabeyn heshiis kala dhexeya shirkadda Adani Group oo ay wada hadalladu socdaan.
Waxaa uu shacabka ku boorriyay in ay is dejiyaan isagoo tusaale u soo qaatay in waddada wayn ee Nairobi Expressway ay ka mid tahay mashaariicda lagu dhisay iskaashiga PPP ee lagu guulaystay.
Kipchumba Murkomen ayaa qiimaha lacageed ee hantidiisa ku sheegay 620 milyan oo shilin.
Bishii Tobnaad ee sanadkii 2022-kii ayay ahayd markii uu shaaciyay in hantidiisu ay qiimo ahaan tahay 550 milyan.
Dhanka kale , Kipchumba Murkomen ayaa beeniyay inuu ku faano soo bandhigidda hodantinnimadiisa.