DHAGEYSO:Rw Xamsa oo sheegay in la qaaday tallaabooyin lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weerarray

0
202

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo xalay ku booqday isbitaalka Erdogan qaar ka mid ah shacabka ku dhaawacmay weerarkii xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in la qaaday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weerarray, qaarkoodna ay xiran yihiin.

Waxaa uu sheegay in markii lagu jabiyay goobaha dagaalka ay kooxda Al-Shabaab ay beegsadeen dhallinyaradii ahaa indhaha iyo mustaqbalkii dalka oo aan siyaasad shaqo ku lahayn, si nabad ahna ugu caweynayay dalkooda, taas oo muujinaysa in aysan lahayn diin, dhaqan iyo akhlaaq midna, una taagan yihiin dabargoynta shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Waxaa uu guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga ay u fidinayaan ciidamada iyo hay’adaha ammaanka, si loo ciribtiro kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa uga tacsiyeeyay ehellada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarka, isaga oo ugu duceeyey in Alle naxariista Janno ka waraabiyo, kuwa dhaawacmayna uu u boogo dhayo.

Bulshada soomaaliyeed ayaa ugu baaqay inay garab istaagaan dadka waxyeellada soo gaartay.