Guddiga baarlamaanka u qaabilsan turxaan bixinta shakhsiyaadka loo soo magacaabo xilalka dowladda ayaa maanta su’aallo waydiiyay John Mbadi oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha wadanka.
Waxaa uu qiimaha lacageed ee hantidiisa ku sheegay 380 milyan oo shilin.
Mbadi ayaa guddiga turxaan bixinta u sheegay in inta badan hantidiisa uu ka helay maalgashi dhaqaale oo uu sameeyay.
John Mbadi ayaa soo jeediyay saddex tallaabo oo kor loogu qaadayo dakhliga dalka iyada oo aan la kordhin canshuurta, haddii magacaabidiisa la ansixiyo.
Waxaa uu sheegay inuu diiradda saari doono horumarinta kaabayaasha maamulka canshuuraha dalka ee KRA, si loo horumariyo dakhli ururinta.
Mr. Mbadi ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in hab casri ah loo sameeyo maamulka canshuuraha si looga hortaggo musuqmaasuqa.
Waxaa uu soo jeediyay in uu u doodi doono iskaashiga dowladaha iyo waaxyaha gaarka ah ee PPP.
Waxaa uu deynta Kenya lagu leeyahay ku sheegay 10.5 tiriliyoon oo shilin.