Nairobi: Nin ka ganacsada hubka oo dhawaan ka baxsaday saldhig booliis oo dib loo xiray

0
453

Waxaa dib loo xiray shakhsi maalmo ka hor ka baxsaday saldhigga booliiska Karen ee magaalada Nairobi.
Ninkan oo la sheegay inuu ka ganacsada hubka ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu xiray deegaanka Kasarani ee ismaamulka Nairobi.
Eedeysanaha ayaa horraan gurigiisa laga soo helay hub iyo rasaas oo la sheegay inuu ka ganacsada.
Booliiska ayaa eedeysanaha magaciisa ku sheegay Shailesh Mistry ahna madaxa fulinta ee shirkadda ganacsi ee hubka ee Cateye Customs Limited.
Eedeysanaha oo lagu raadjoogay ayaa fiidnimadii Khamiista ka baxsaday saldhigga booliiska ee Karen, isagoo ka hor inta uusan baxsan dhaawacay hal askari.
Booliiska ayaa sheegay inay ku raadjoogeen eedeysanaha tan iyo markii uu baxsaday islamarkaana isagoo gaarigiisa ku dhex wata deegaanka Kasarani la xiray shalay.
Waxaa lagu wadaa in eedeysanaha dhawaan maxkamadda la soo taagay.