Kenya oo sheegtay in ay diyaar u tahay kala dhexdhexaadinta dhinacyada Suudaanta Koonfureed

0
333

Dowladda Kenya ayaa mar kale sheegtay in ay ka go’an tahay ka shaqeynta sidii nabadgalyo iyo xasillooni waarta loogu soo dabbaali lahaa Suudaanta Koonfureed.
Tani ayaa timid ka dib markii uu madaxweynaha dalka William Ruto uu xarunta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi kula kulmay xubnaha guddiga cuqaasha ee Panel of the Wise (PoW) ee Midowga Afrika.
Guddigan ayaa ka kooban shan xubnood oo loo xil saaray in ay golaha nabadgalyada iyo ammaanka kala taliyaan ka hor tagga dagaallada iyo xallintooda.
William Ruto ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay horumarka la sameeyay ee dhanka nabadgalyada Suudaanta Koonfureed ka hor inta aynan dalkaasi doorasho ka qabsoomin bisha 12-aad ee sanadkan.