Madaxa ururka Xisbullah ee dalka Lebanon Xasan Nasrallah ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan Israa’iil uu galaya waji cusub.
Tani ayaa timid ka dib markii dhawaan la dilay taliyihii kooxdan Fuad Shukr iyo madaxii Xamaas Ismaaciil Haniyeh.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa sheegaya in ay si heer sare ah isugu diyaariyeen xaalad kasta oo soo wajahda.
Dhanka kale, wariyaasha warbaahinta caalamiga ee Al Jazeera oo isugu tagay xarunta dhexe ee shirkaddan ee dalka Qatar ayaa si kulul u cambaareeyay dilal dhawaan gudaha Qaza loogu gaystay Ismaaciil al-Ghoul iyo Rami al-Rifi oo ka mid ahaa suxufiyiinta Aljazeera.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, duqeymaha militari ee ay Israa’iil weli ka wado Qaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 39,480 Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 91,128 ruux oo kale.