Erdogan iyo Biden oo ka wada hadlay dilkii madaxii Xamaas

0
201

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhigiisa Maraykanka Joe Biden oo khadka taleefoonka ku wada xiriiray ayaa ka wada hadlay dilkii dhawaan loo gaystay hoggaamiyihii ururka Xamaas ee Falastiin Ismaaciil Haniyeh.
Erdogan ayaa sheegay in falkaasi uu yahay dharbaaxo wayn oo soo gaartay wada hadallada xabbad joojinta.
Waxaa uu xusay in xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ay doonaysa in dagaalka Qaza uu ku sii fido gobolka Bariga Dhexe.
Dhanka kale waaxda difaaca rayidka ee Qaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 15 qof lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay dugsi hooy u ah Falastiiniyiinta barakacayaasha ah.