Madaxweynaha dalka oo difaacay in guriyo lagu dhisaya dhulka dadweynaha

0
336

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa difaacay in dowladdu ay dhulka dadweynaha u adeegsanaysa dhisidda guriyaha qiimo ahaan la awoodi karo.
Arrintan ayuu maanta ka hadlay xilli uu si rasmi ah u daahfurayay maalgashiga dhanka guriyeynta ee Linzi Sukuk oo lagu tilmaamay mid waafaqsan xeerarka islaamiga ah.
William Ruto ayaa sheegay in dhulalka dadweynaha ay mararka qaar la wareegaan dad si sharci darro ah ku qaata sidaasi awgeedna ay kenyaanka faa’iido u leedahay in laga dhiso guriyo ay ku degi karaan qiimo ay awoodaan.
Bishii Tobnaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii uu hoggaamiyaha dalka digniin adag u diray cid kasta oo isku daydo in ay boobto dhulka danta guud.