DHAGEYSO:Wasiir Fiqi: Itoobiya waxay nagu diraysa dalalka taageerada nasiiya, iyadoo ka gadaysa in aynan wada hadal diyaar u ahayn

0
426

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Axmad Macallin Fiqi ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay isku dayayso inay iska horkeento Soomaaliya iyo dalalka deriska iyo kuwa kale ee taageerada siiya, si ay hoos ugu dhigto xiriirka kala dhexeya iyo garab istaaggooda Soomaaliya.
Wasiir Axmad Fiqi oo hortegay guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Soomaaliya, ayuu u sheegay, in Itoobiya ay u tagtay dalal badan oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya, islamarkaasna ay kala hadashay in Soomaaliya aysan doonayn in ay kawada hadlaan khilaafka ka taagan heshiiska badda ee Somaliland ay la gashay.
Waxaa uu sheegay in dowladda Itoobiya ay faragelin ba’an ku hayso Soomaaliya arrimaheeda gudaha.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Itoobiya ay u wacanayso dowlad goboleedyada Soomaaliya, ayna sidoo kale ciidamo ugu tababarayso xuduudaha dalka.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in baasaboor ay leedahay Somaliland loogu safri karo waddamada kale, marka laga reebo dalka Itoobiya.