Waxaa isa soo tareysa falcelinta ka dhalatay tallaabadii ay Israa’iil ku dishay madaxii ururka Xamaas ee dalka Falastiin sidoo kalena hoggaaminayay arrimaha siyaasadda ee ururkan Ismaaciil Haniyeh.
Xamaas ayaa sheegtay in Haniyeh uu shahiiday.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Iiraan Nasser Kanaani ayaa isna sheegay in dilka Haniyeh uu sii xoojin doono xiriirka adag ee ka dhexeeya xukuumadda Tehran, Falastiin iyo iska caabbinta.
Madaxweynaha dalka Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa dhankiisa si kulul u cambaareeyay dilka madaxii Xamaas.
Waxaa uu ku sheegay fal fuleynimo oo khatar ah sida ay ku warramaysa wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA.
Maxamuud Cabbaas ayaa shacabka Falastiin ugu baaqay in ay dulqaad muujiyaan oo ay midoobaan.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka Mikhail Bogdanov ayaa dhankiisa sheegay in dilka Ismaaciil Haniyeh uu yahay khaarijin siyaasadeed oo aan la aqbali karin oo ayna taasi sare u sii qaadeysa xiisadaha jira.
Madaxa guddiga sare ee kacaanka Xuutiyiinta ee dalka Yemen Maxamad Cali al-Houthi ayaa dhankiisa fal argagixisannimo oo wuxushnimo iyo ku xadgudubka xeerarka ah ku tilmaamay dilkii madaxii ururka Xamaas.
Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ay si kulul u cambaareynaysa dilkii hoggaamiyaha Xamaas.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar ayaa bayaan ku xustay in tani ay qalalaase u sii horseedaysa Bariga Dhexe oo ayna wiiqaysa fursadaha nabadgalyada.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa iyadana xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ku eedeysay in aynan doonayn in nabadgalyo la haleelo.
Waxay intaasi ku dartay in haddii aynan beesha caalamka qaadin tallaabo lagu joojinaya howlgallada Israa’iil in iskudhacyo waawayn ay soo foodsaari karaan gobolka.