In ka badan 151 ruux ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dhacdooyin dhul go’ ah oo saameeyay gobolka Koonfureed ee Kerala ee dalka India.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dad kale oo badan weli la la’yahay.
Boqolaal ka mid ah saraakiisha waaxyaha samatabixinta ayaa dadkan ka raadinaya burburka iyo dhiiqada hoostooda.
Saraakiisha maxalliga ee India ayaa maanta sheegay in la soo badbaadiyay ku dhawaad 1,000 qof.
Tirada dadka aan weli meel lagu ogeyn ayay ku sheegeen 187 qof.
Waxaa howlaha samatabixinta sii adkeynaya roobab culus oo weli da’aya gaar ahaan degmada buuralayda ah ee Wayanad .