Haweeney wiil ay soddoh u ahayd ku dishay magaalada Boosaaso

0
346

Maxamuud Cabdi Bille Cabdi oo ahaa wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Boosaaso ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray toorreey ay ku dhufatay xaaskiisa hooyadeed (Soddohdiis).
Lama oga sababta ka dambeysa falkan, hase ahaatee warar hor dhac ah ayaa sheegaya inuu jiray khilaaf qoyska dhexdiisa ka taagnaa.
Hooyada ayaa la sheegay inay doonaysay in loo furo gabadheeda oo xaamilo ahayd.
Booliiska gobolka Bari ayaa sheegey in ay gacanta ku dhigeen haweeneyda ku eedeysan inay toorreey ku dishay wiilka ay soddohda u ahayd.
Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa xilli sidoo kale magaalada Boosaaso maanta lagu dilay Khaalid Cali Khaalid oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika.
Dablay ku hubaysnaa hubka fudud ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen dilka Khaalid Cali Khaalid.