2 qof oo ku dhintay shil ka dhacay Kirinyaga

0
214

Waxaa la xaqiijiyay in labo qof ay ku dhinteen shil laga soo tabiyay aagga waddada u dhexeysa Sagana iyo Makutano ee ismaamulka Kirinyaga.
Labada ruux ayaa isla goobta ku dhintay ka dib markii ay isku dhaceen mooto iyo baabuur taksi ah oo marayay goobta loo yaqaano Riandira .
Waxaa shilka iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliiska ee deegaanka Galbeedka Mwea Rashiid Cali.
Meydadka labada qof ee shilka ku geeriyooday ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka magaalada Kerugoya iyadoo lagu wado in lagu sameeyo qalliin baaritaan ah.