Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu maanta ku sugnaa deegaanka Mwatete ee ismaamulka Taita Taveta ee gobolka Xeebta sheegay in kenyaanka fursadaha shaqo ka hela dibadda muddo toddobaad ah loogu soo saari doono baasaboorka.
Waxaa uu xusay in isbuuc kasta ay waddanka ka safraan in ka badan 1,000 qof oo ah muwaadiniin qurbaha shaqooyin u raadsado.
Madaxweyne William Ruto ayaa intaasi ku daray in ilaa 400,000 oo shaqooyin ah ay ku diyaarsan yihiin barta online-ka ee waaxda shaqaalaha ee dalka.
Waxaa uu tilmaamay inuu qorsheeyay sidii soo saaridda baasaboorka loogu dedejin lahaa shakhsiyaadka fursadaha shaqo ka hela dibadda.
William Ruto ayaa xusay in sidoo kale dowladda oo kaashanaysa shirkadaha dadkan shaqaaleysiiyay ay bixin doonto qarashaadka duullimaadka.
Madaxweynaha ayaa xildhibaannada baarlamaanka ku boorriyay in ay isku duba ridaan dhallinyarada ku nool deegaanadooda si ay da’yarta uga faa’iidaan shaqooyinka ka bannaan dalalka kale ee caalamka ee ay dowladda Kenya la gashay heshiiska shaqaaleysiinta .
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Dowladda oo shaacisay in qofkii shaqo ka helo dibadda hal isbuuc loogu...