Dowlado uu Maraykanka ka mid yahay oo saxiixday iskaashi amni

0
379

Dowladaha Maraykanka , Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo ay uga wada shaqeynayaan dhanka ammaanka.
Is-afgaradkan ayaa ku saabsan in waddamadan ay si joogto ah isku dhaafsadaan tababarrada la siiyo ciidamada gaashaandhigga .
Sidoo kale waxay ku heshiiyeen in ay si wadajir ah iskaga difaacaan weerarrada mid ka mid ah uga yimaada dalalka uu khilaafka kala dhexeeya.