Xisbullahi oo beenisay duqeyn ay Israa’iil la xiriirisay

0
327

Kooxda Xisbullahi ee dalka Lebanon ayaa iska fogeysay eedeyn uga timid Israa’iil.
Tani ayaa timid ka dib markii ay Israa’iil sheegtay in kooxdan ay madaafiic ku dishay 12 qof oo da’yar ah oo ka soo jeedo qowmiyadda Druze .
Dadkan ayaa lagu dilay magaalada Majdal Shams ee buuraleyda Golan Heights ee ay Israa’iil haysato.
Israa’iil oo sheegaysa in ay weerarkaasi ka falcelinaysay ayaa duqeysay tuulooyin iyo magaalooyin hoos taga Koonfurta iyo Bariga Lebanon.