Francis Atwoli oo soo dhaweeyay xubnaha ODM ee wasiirrada loo magacaabay

0
270

Xoghayaha Guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee (COTU) Francis Atwoli ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ku bogaadiyay inuu wasiirro u soo magacaabay afar xubnood oo ka tirsan ODM.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kisumu ayuu Atwoli sheegay in tani ay astaan u tahay faa’iidada hannaanka xisbiyada badan ee dalka ka jiro.
Waxaa uu xusay in mucaaradka ay dowladda talada haysa kala shaqeyn karaan fulinta qorshayaasha horumarineed ee muhiimka ah.