Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamad Nuur (Jaamac) ayaa u jawaabay madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad oo dowladda federaalka ku eedeeyay fashil siyaasadeed iyo mid ciidan.
Wasiirka ayaa sheegay in laga habboon yahay in la siyaasadeeyo arrimaha ciidamada, isagoo xusay inay tahay wax aan la aqbali karin.
Waxaa uu intaasi ku daray in ciidanka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyayaal guul wayn ka keenay dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa ugu baaqay xubnaha mucaaradka inay niyad jabinta ka daayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furrimaha dagaalka, isagoo sheegay inay raadiyaan wax kale oo ay ku dhaliili karaan madaxda dowladda.
Sheekh Shariif ayaa shalay sheegay in hannaanka loola dagaalamayo Al-Shabaab uu khaldan yahay, islamarkaana laga garan karo sida loo laayay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.