Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetang’ula ayaa madaxda isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ku boorriyay in ay qafiifiyaan mowqifkooda siyaasadeed oo ay ku biiraan maamulka talada waddanka haya.
Waxaa uu Wetangula codsaday in hoggaamiyaasha ay garab siiyaan dadaallada lagu soo dhisaya hannaan dowladeed oo loo dhan yahay.
Waxaa uu madaxa Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ku bogaadiyay inuu madaxweynaha dalka William Ruto ku taageeraya arrinkan.
Wetangula ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in dhinac la iskaga dhigo danaha gaarka ah oo loo midoobo danta qaran iyadoo la muujinaya waddaniyad.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ee kala ah Kalonzo Musyoka, Eugene Wamalwa, Martha Karua iyo Jeremiah Kioni ay ku adkeysanayaan in aynan ka mid noqon doonin Kenya Kwanza.