Ciidamo booliis iyo nabadsugid isugu jira oo watay gawaarida wax lagu burburiyo ee cagafcagafta ayaa saaka aroornimadii burburin ka billaabay xaruntii wasaaraddda arrimaha gudaha ee degmada Boondheere ee maagalada Muqdisho.
Waxaa ay saaka dadkan ku waaberiisteen ciidamado dowladda ka tirsan kuwaas oo xalay saq dhexe lagu daadiyay waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa xaruntaasi.
Dhammaan waxaa xarin waddooyinka ka ag dhow, iyadoo sidoo kale la xannibay dhaqdhaqaaqa gaadiidka.
Waxaa gudaha dhulkaasi ka socda burburin iyadoo dadkuna ay isku dayayaan inay alaabahooda ay goobtaas kala baxaan si ay uga badbaadaan waxyeellada burburinta.
Xaruntaasi oo tan iyo burburkii ay deganaayeen qoysas ayaa bilihii la soo dhaafay digniin loo diraayay inay ka guuraan halkaasi, hayeeshee ay ka dhaga adeegeen.
Tan iyo markii dib loo doortay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa billoowday kacdoon ka dhan ah dhulalka danta guud, iyada oo dhulalka qaar laga iibiyay dad ganacsato ah.
Home Wararka Soomaaliya Muqdisho: Dowladda Soomaaliya oo saaka ku kalahday burburinta dhul cusub oo dad...