Guddoomiyaha ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Naasir ayaa dowladda dhexe ka dalbaday in ay xaqiijiso in ay magdhow helaan qoysaska dadkii ku dhintay ama ay waxyeellada ka soo gaartay dibadbaxyadii dhacay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in la soo siidaayo shakhsiyaadka la xiray oo meesha laga saaro dacwadaha ka dhanka ah.
Barasaabka Mombasa ayaa dalbaday in maxkamadda la soo taago saraakiisha booliiska ee ku xadgudbay dibadbaxayaasha.
Waxaa uu madaxweyne William Ruto ugu baaqay inuu ka dhabeeyo ballanqaadkii ahaa in ay cadaalad heli doonaan qoysaska kenyaankii ku nafwaayay mudaaharaadyada.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Barasaabka Mombasa oo dalbaday in magdhow la siiyo qoysaska dadkii lagu dilay...