DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo midnimo ugu baaqay madaxda iyo shacabka

0
349

Madaxweynaha dalka William Ruto oo ku sugan gobolka Xeebta ayaa hoggaamiyaasha siyaasadeed iyo shacabka ku boorriyay in ay midnimada ku dadaalaan.
Waxaa uu sheegay in hadda la joogo xilligii loo midoobi lahaa danaha qaran.
William Ruto ayaa tusaale u soo qaatay tallaabadii uu maalmo ka hor golihiisa wasiirrada ugu soo daray afar xubnood oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee ODM.
Madaxweynaha waddanka ayaa sheegay inuu qabo kalsooni ah in Salim Mvurya iyo Cali Xasan Joho ay si buuxda uga soo bixi doonaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday ee kala ah wasiirka ganacsiga iyo wasiirka macdanta.

Dhanka kale , madaxweyne William Ruto ayaa maanta lacag dhan 1.7 bilyan oo shilin ku wareejiyay 612 oo ah kooxaha kalluumeysiga ee ismaamullada Mombasa, Tana River, Kwale, Lamu iyo Kilifi ee gobolka Xeebta.

Sidoo kale , madaxweynaha ayaa sheegay in la dhisaya suuqyada kalluunka oo gaaraya 3 iyo machadka tababarka culuunta kalluumeysiga iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka badaha.

Hoggamiyaha Kenya ayaa sheegay in lacag dhan 600 oo milyan oo shilin loo qoondeeyay in afar bilood gudahooda lagu soo iibiyo 25 ah doomaha waawayn ee kalluumeysiga.

Madaxweynaha ayaa xusay in leesin ganacsi la siiyay markabkii ugu horreeyay ee kaalluumeysiga iyadoo uu qorshuhu yahay in saddex sano gudahooda tirada maraakiibta kalluumeysiga ay gaaraan 12 ilaa 15 xabbo.