Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 21 ruux ka dib markii 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay dalka Morocco uu saameeyay kuleyl xad dhaaf ah.
Wasaaradda caafimaadka ee waddankaasi ayaa sidatan xaqiijisay.
Cimilladan daran ayaa laga dareemay magaalada Beni- Mellal ee Bartamaha Morocco.
Waaxda saadaasha hawada ee dalkaasi ayaa sheegtay in heerkulka uu sare u kacayay laga soo billaabo Isniintii.
Waxay intaasi ku dartay in meelaha qaar heerkulka uu gaaray ilaa 48 degrees Celsius .
Dadka ku dhintay magaalada Beni –Mellal ayaa badankoodu ahaa kuwo qabay xanuunnada raaga iyo waayeello.
Hasa ahaate , wasaaradda caafimaadka ee Morocco ayaan durbaba sheegin in xaaladdan ay ahayd midii ugu darnayd ee soo martay taariikhda dalkaasi.
Magaalada Beni –Mellal waxay masaafo dhan in ka badan 200 oo kiilomitir dhanka Koonfurta Bari uga beegan tahay magaala xeebeedda Casablanca.