DHAGEYSO:Wadayaasha mootooyinka Mombasa oo sheegay in aynan oggolaan doonin dibadbax ka dhan ah dowladda

0
310

Wadayaasha mootooyinka ee deegaanka Changamwe ee ismaamulka Mombasa ayaa sheegay in aynan aqbali doonin in halkaasi ay ka dhacaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda.
Waxay dhanka kale bogaadiyeen tallaabadii shalay madaxweynaha dalka William Ruto uu wasiirka wasaaradda macdanta iyo kheyraadka badaha ugu magacaabay barasaabkii hore ee Mombasa Cali Xasan Joho.
Wadayaashan oo uu hor kacaya guddoomiyahooda Martin Oyoo ayaa sheegay in ay ku qanceen magacaabidda Joho iyagoo dhanka kale dhallinyarada ugu baaqay in ay soo afjaraan dibadbaxyada ay uga soo horjeedaan maamulka madaxweyne William Ruto.