DHAGEYSO:Urur doonaya in xilka laga qaado madaxweynaha dalka oo dacwad u gudbiyay Koome

0
321

Xubnaha urur isbeddel doon ah ayaa dacwad u gudbiyay madaxa waaxda cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome.
Waxay doonayaan in la guda galo geeddisocod xilka looga qaadaya madaxweynaha dalka William Ruto.
Waxay hoggaamiyaha qaranka iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ku eedeynayaan in ay ku xadgudbeen dastuurka dalka.
Kooxdan oo uu ka mid yahay Prof. Fred Ogolla oo u ololeeya maamul wanaagga ayaa carrabka ku adkeeyay in aynan weli cadaalad helin qoysaska 75 qof oo kenyaan ah oo ay sheegeen in la dilay sanadkii hore iyo in ka badan 50 ruux oo geeriyooday sanadkan.