Taliska Ciidamada Booliska qaybta gobolka Bari ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ku guulaystay inay dib u furaan jidkii Boosaaso iyo gobollada kale ee dhawaan ku xirmay daadad Xooggan oo Gobolka Bari ku soo Rogmada.
Taliyaha Ciidanka Booliska Qaybta Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud ayaa warbaahinta Faahfaahin ka siiyay shaqada ay halkaas ka qabteen ee u suurogalisay inay labo Cesho kadib wadooyinkaasi dib u furaan.