DHAGEYSO:Shacabka tuulada Sareedo oo sameeyay bannaanbax ay uga cabanayaan saraakiisha ammaanka

0
302

Dadweynaha ku nool tuulada Sareedo oo hoos tagto deegaan baarlamaneedka Dadaab ee ismaamulka Garissa ayaa maanta dhigay bannaanbax ay cabasho uga muujinayeen askarta tuuladaasi oo ay ku eedeyeen in ay jirdil u gaysteen qaar ka mid ah shacabka gaar ahaan dhallinyaro.
Shacabka oo arrintaasi ka carooday ayaa xiray waddada isku xirta Dadaab iyo Garissa ee marta Sareedo halkaasi oo ay muddo saacad ka badan ku xayirmeen gaadiidka.
Waxaa Sareedo soo gaaray guddoomiyaha tuuladaasi Cali Dhuubow iyo ku xigeenkiisa oo shacabka la hadlay kuna qanciyay in ay isdajiyaan islamarkaana waddada furaan taas oo markii danbe lagu guuleystay.
Saraakiisha ammaanka oo markii hore isku dayay in ay furaan waddada ayaa waxaa ku mudaaharaaday shacabka taas oo keentay in ay askartu kor u ridaan risaas in kastoo aynan cidna waxba ku noqon.
Xaaladda Sareedo ayaa hadda deggan iyadoo qaar ka mid ah shacabka oo la hadlay warbaahinta Star ay cabashadooda sidatan u muujiyeen.

Dhanka kale ,waxaa xusid mudan in aan isku daynay in aan la hadalno askarta degaankaasi si ay uga jawaabaan cabashada dadweynaha balse nooma suurtagelin in aan ka helno jawaab arrinkaasi ku aaddan.