DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ku dhawaad 100 xubnood oo Al-Shabaab ah la dilay maanta

0
338

Dowladda federaalka ee Soomaaliya oo war saxaafadeed ka soo saartay howlgaalkii saaka laga fuliyay deegaano ka mid ah maamulka Jubbaland ayay ku sheegtay in in ka badan 80 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab lagu dilay howlgal ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen deegaannada Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee gobalka Jubbada Hoose.
Howlgalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen farriisimo ciidamada xoogga iyo Daraawiishta maamulka Jubbaland ay ku lahaayeen deegaannadaasi, balse ciidanka ayaa sheegay inay u diyaarsanaayeen ka hortagga weerar walba oo Al Shabaab ka dhan ah.
Ciidamadda ayaa sheegay im howlgalkan ku furteen hub aad u farabadan oo ay wateen Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ka mid yihiin qoryaha RPG, BKM, AK47 iyo kuwa kale sida lagu soo bandhigay muuqaal ay baahisay warbaahinta Qaranka Soomaaliya.
Dhanka kale, wasiirka wasaaradda amniga ee maamulka Jubbaland Yussuf Xussen Cismaan Dhuumaal ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalka saaka dhacay.