DHAGEYSO:Hoggaamiyaasha Mombasa oo Raila ku taageeray in magdhow la siiyo qoysaska dadkii ku dhintay dibadbaxyada

0
322

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga ODM ee ismaamulka Mombasa ayaa soo dhaweeyay shuruudaha uu hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ku xiray wada hadallada uu la yeelanaya madaxweynaha.
Waxay siiyaasiyaantan sheegeen in lagama maarmaan tahay in magdhow la siiyo qoysaska dadkii ku dhintay dibadbaxyada.
Waxay sidoo kale madaxweyne William Ruto ugu baaqeen inuu qaybta 2-aad ee golihiisa wasiirrada ku soo daro shakhsiyad dhalasho ahaan ka soo jeedo ismaamulka Mombasa.
Siyaasiyiintan oo ay ka mid tahay Mishi Mboko oo baarlamaanka ku matasha shacabka deegaanka Likoni, senetarka ismaamulka Mombasa Maxamad Faki iyo afhayeenka golaha hoose ee dowlad deegaankaasi Aharub Khatri ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay.