Dadweynaha xaafadda Kangemi ee ismaamulka Nairobi ayaa dowladda ugu baaqay in ay dhameystirto dhisidda buundo halkaasi laga billaabay labo sano ka hor.
Waxay sheegeen in ay ku dhib qabaan buundadaasi oo qaar ka mid ah shacabka ay dhaawacmeen iyagoo adeegsanaya.
Sidoo kale waxaa maalin kasta buundadaasi ku gudbo arday tani oo khatar ku ah noloshooda.
Shacabka oo sidoo kale hoosta ka xarriiqay in ay saameyn ganacsi ka soo gaartay buundada qabyada ah ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta.