Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa xabsiga u taxaabay madaxa baaritaannada lagu sameeyo dhulalka ee ismaamulka Kericho Ismail Kipngeno Koskei.
Tani ayaa timid ka dib markii uu mas’uulkan qof shacab ah ka qaatay laaluush lacageed oo dhan 100,000 oo shilin si uu ugu fududeeyo iibsashada dhulka.
EACC ayaa laga soo xigtay in Koskei lagu xiray xafiiskiisa ka dib markii uu lacagtan qaatay in kastoo uu markii hore dalbaday in la siiyo 200,000 oo shilin.
Waxaa uu guddigu sheegay in qofka cabashada soo gudbiyay uu ka mid yahay rayidka deegaanka Anaibkoi isagoo codsanayay in la siiyo sabarloogo cusub.
Koskei ayaa markii la qabtay waxaa uu farriin ka qoray xarunta guddiga EACC ee ismaamulka Nakuru isagoo hadda ku jiro saldhigga dhexe ee booliiska ee dowlad deegaankaasi ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.
Guddiga ayaa sheegay in ay ka go’an tahay la tacaalidda saraakiisha dowladda ee lacagaha laaluushka ah ka qaato shacabka u baahan adeegyada kala duwan.