Shiinaha oo ku baaqay xabbad joojin ka dhaqan gasho Qaza

0
298

Dowladda Shiinaha ayaa ku baaqday in xabbad joojin degdeg ah ay ka dhaqan gasho Qaza.
Waxay sidoo kale Israa’iil ka dalbatay in ay joojiso ciqaab wadareed ay ka wado Qaza.
Wakiilka Shiinaha ku matalo golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC Fu Cong ayaa baaqan soo saaray.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dalalka saameynta ku leh caalamka laga doonaya in ay qaadaan tallaabo degdeg ah oo xal siyaasadeed loogu helaya duullaanka militari ee Israa’iil.
Fu ayaa dhanka kale Israa’iil ku boorriyay in ay furto dhammaan marinnada Qaza si gargaar baniaadannimo loo gaarsiiyo shacabka halkaasi ku dhibaateysan.