Joe Biden oo laga helay cudurka COVID-19

0
205

Madaxweynaha Marykanka Joe Biden oo ku guda jiro ololihiisa madaxtinnimo ee ku aaddan doorashada guud ee bisha 11-aad ee sanadkan ayaa laga helay cudurka COVID-19.
Waxaa sidatan xaqiijiyay xoghayaha warfaafinta ee aqalka cad ee looga arrimiyo Maraykanka Karine Jean-Pierre iyo Dr. Kevin O’Connor oo ah dhakhtarka gaarka ah ee Biden.
Madaxweyne Biden ayaa lagu arkay calaamado dhinaca neef-mareenka sare ah iyo qufac qallalan isagoo sida laga soo xigtay dhakhtarkiisa isla markiiba loo qoray daawooyin kala duwan.
Mas’uuliyiintan ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu ku go’doonsanaan doono gurigiisa oo ku yaalla gobolka Delaware ilaa uu xanuunka ka bogsanaya.
Madaxweynaha ayaa astaamaha fudud ee COVID-19 lagu arkay xilli uu u safrayay magaalada Las Vegas ee gobolka Nevada.
Joe Biden ayaa lagu waday inuu khudbad ka jeediyo magaalada Las Vegas balse markii xanuunka laga helay ayuu ka baaqday xafladaas isagoo loo duuliyay gurigiisa.