Booliiska oo sheegay in ay ku qalmadeen Macharia Gaitho oo ay xireen

0
374

Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa bayaan uu soo saaraya ku sheegay in si qalad ah oo laga qoomameynaya loo xiray rugcadaa saxaafadeed Macharia Gaitho.
Tani ayaa timid ka dib markii saaka baraha bulshada lagu faafiyay muuqaal iyo warbixinno tilmaamaya in suxufigan la afduubtay.
Hasa ahaate, bayaanka NPS waxaa ku cad in ay dadweynaha u caddeynayaan in Macharia Gaitho lagu qaldamay maadaama ay saraakiisha raadinayeen Francis Gaitho oo ay baaritaano ku hayaan.
Waxay intaasi ku dareen in ka adeeg ahaan aynan bartilmaameedsan wariyaasha.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Macharia Gaitho oo horay u soo noqday Tifaftiraha maamulo shirkadda warbaahineed ee Nation la xiray ka dib markii uu saldhigga booliiska ee xaafadda Karen tagay isagoo walaac ka muujinaya dad uu sheegay in ay ku daba jireen balse qudiisa la xiray.
Macharia Gaitho ayaa dalbaday in lala xisaabtamo booliiska xiray maadaama uu sheegay in aynan suurtagal ahayn in qof kale lagu qaldo.
Waxaa uu intaasi ku daray in shakhsiga ay booliiska sheegeen in ay raadinayeen ee Francis Gaitho iyo isaga aynan isku da’ ahayn, aynan isku xaafad degganayn sidoo kalena baabuurkooda uunan isku nooc ahayn.
Waxaa uu su’aal geliyay sababta loo qabtay isagoo aan waxba loo sheegin oo muddo ka dib laga dalbaday inuu aqoonsigiisa soo saaro taasi oo keentay in uunan ahayn qofkii la doonayay.
Dhanka kale , Francis Gaitho oo ah shakhsiyaadka wax ku qoro baraha bulshada iyo shabakadaha intarneetka ee ay booliisku sheegeen in ay baaritaan ku hayaan ayaa xusay inuu xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da iska xaadirin doono abaare 2-da duhurnimo ee maanta.