Waxaa ay maanta dibadbaxyo ka dhaceen qaybo ka mid ah dalka iyadoo saraakiisha ammaanka ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryeen dibadbaxayaasha.
In kastoo uu madaxweyne William Ruto ka laabtay hindise sharciyeedkii maaliyadda ee muranka dhaliyay sidoo kalena uu kala diray golihiisa wasiirrada haddana dhallinyarada ayaa ku adkeysanaya in ay sii wadi doonaan mudaaharaadyada ay ku dalbanayaan isbeddelo dheeraad ah.
Waxay doonayaan in la xoojiyo arrimaha maamul wanaagga iyo la xisaabtanka hoggaamiyaasha.
Meelaha ay dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda maanta ka dhaceen waxaa ka mid ah Nairobi , Mombasa, Kisumu iyo Kitengela oo ka tirsan ismaamulka Kajiado.
Waxaa xiran goobaha ganacsiga ee bartamaha magaalada Nairobi iyo sidoo kale Mombasa.
Dhallinyarada ayaa sheegay in ay doonayaan in madaxweyne William Ruto uu oofiyo waxyaabihii dhanka horumarka ee uu ballan qaaday oo ay ka mid tahay xallinta shaqo la’aanta haysatada dhallinyarada.
Sidoo kale waxay dalbanayaan in la siidaayo qof kasta oo loo xiray ka qayb qaadashada dibadbaxyada oo ay cadaalad helaan qoysaska dadkii la dilay.