Turkiga oo cambaareeyay weerar ay Israa’iil gaysatay

0
192

Dowladda dalka Turkiga ayaa cambaareysay duqeyn ay ciidamada militariga ee Israa’iil ku burburiyeen isbitaalka keliya ee gudaha Qaza ka bixinayay daryeelka gaarka ah ee la xiriira cudurka kansarka.
Turkiga ayaa sheegay in Israa’iil ay xaruntaasi bilooyin u isticmaalayeen saldhig militari oo kale.
Xukuumadda Ankara ayaa hoosta ka xarriiqday in shakhsiyaadkii burburintan ka dambeeyay la hor keeni doono cadaaladda maxkamadaha caalamiga ah.