Trump oo lagu wado inuu shaaciyo ku xigeenkiisa

0
230

Waxaa la filayaa in madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump oo mar kale u tartamaya hoggaanka ugu sarreeya dalkaasi uu dhawaan magacaabo ku xigeenkiisa.
Tallaabadan ayuu qaadaya ka hor inta dabayaaqada isbuucan uunan xisbiga Jamhuuriga siin ansixin rasmi ah oo uu loollaanka bisha 11-aad uga qayb galaya.
Trump oo dhawaan lagu toogtay isku soo bax siyaasadeed oo uu ku qabanayay gobolka Pennsylvania ayaa sheegay inuu dib u qoraya khudbad aad u culus oo ku saabsan madaxweyne Joe Biden oo maamulkiisa uu dhaliilay.
Waaxda dambi baarista Maraykanka ee FBI-da ayaa weli baaraysa sababtii ka dambeysay toogashadii lala eegtay Trump ee uu gaystay Thomas Matthew Crooks oo la dilay.
Waaxdan ayaa sheegtay in Trump uu xilligaasi ka badbaaday iskuday dil in kastoo uu ka dhaawacmay dhanka dhagta midig.