Ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa iskaga baxay wada hadallada kala dhexeeyay Israa’iil ee la doonaya in heshiis xabbad joojin ah uu uga dhaqan galo Qaza.
Waxaa sidatan laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas oo warbaahinta u sheegay in hoggaamiyaha ururkan Ismaaciil Haniyeh uu dhexdhexaadiyaasha matalaya dalalka Qatar iyo Masar ku wargeliyay in ay soo afjarayaan ka qayb qaadashada wada hadallada.
Go’aankan ayaa loo aaneeyay in Israa’iil ay weli waddo is hortaag iyo xasuuq shacab.
Tani ayaa imaanaysa hal maalin un ka dib markii ay Israa’iil gudaha Qaza ka gaysatay duqeyn dhanka cirka ah oo ay sheegtay in lagu bartilmaameedsanayay taliyaha militariga ee Xamaas Maxamad Deif.
Waxaa falkaasi lagu dilay ugu yaraan 92 qof.
Saraakiisha Xamaas ayaa dhankooda maanta sheegay in Maxamad Deif uu weli nool yahay.