Israa’iil oo weerar ku dishay ugu yaraan 15 qof

0
198

In ka badan 15 qof ayaa lagu dilay gantaallo ay Israa’iil ku garaacday dugsi ay maamusho qaramada midoobay oo hooy u ah boqolaal qof oo ka soo barakacay Qaza.
Waxaa halkaasi lagu dhaawacay 80 qof oo dheeraad ah.
Dhanka kale , Israa’iil ayaa sheegaysa in weerarkii ay shalay ka gaysatay Al-Mawasi lagu dilay Rafi Salama oo ahaa taliyihii ciidamada ururka Xamaas ee magaalada Khan Younis.
Hasa ahaate waxaa sheegashadan beenisay oo war been abuur ah ku tilmaantay Xamaas.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duqeymaha Israa’iil ee Qaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 38,443 qof halka la dhaawacay 88,481 kale.