DHAGEYSO:Azimio oo ku baaqday in shaqada laga joojiyo taliyaha booliiska ee Nairobi

0
181

Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu shaqada ka istaajiyo taliyaha ciidamada booliiska ee Nairobi Adamson Bungei.
Sidoo kale waxay doonayaan in dacwad lagu soo oogo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Prof. Kithure Kindiki iyo taliyihii booliiska ee Jimcihii is casilay Japhet Koome.
Siyaasiyiintan ayaa walaac ka muujiyay meydadka laga helay aagga Kware ee Embakasi.
Madaxdan oo kala ah hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka, dhigiisa DAP-K Eugene Wamalwa, barasaabka ismaamulka Siaya James Orengo, Xoghayaha Guud ee xisbiga Jubilee Jeremiah Kioni iyo kuwo kale ayaa dilalka loo gaystay haweenka meydadkooda la helay ku tilmaamay kuwo wuxushnimo ah.
Xilli ay ku sugnaayeen magaalada Butere ee ismaamulka Kakamega ayay siyaasiyiintan dhanka kale ku baaqeen in dhallinyarada laga qayb geliyo wada hadallada qaran ee billaabanaya.
Barasaab ku xigeenka dowlad deegaanka Kakamega Ayub Savula oo dalbanaya in taliyihii guud ee hore ee booliiska dalka Japhet Koome loo maxkamadeeyo dilalkii loo gaystay dibadbaxayaasha ayaa yiri.

Barasaabka ismaamulka Tharaka Nithi Muthomi Njuki ayaa dhankiisa Raila Odinga iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ugu baaqay in aynan ku mashquulin Kindiki isagoo xusay in ilaa iyo hadda uunan jirin wax dembi ah oo lagu helay inuu galay.