Madaxda caalamka oo ka falceliyay toogashadii loo gaystay Trump

0
346

Hoggaamiyaasha caalamka ayaa cambaareeyay toogashadii shalay madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump loogu gaystay gobolka Pennsylvania.
Waxay dhacdadaasi ku sheegeen shaqaaqo siyaasadeed oo aan marnaba loo dulqaadan karin.
Mas’uuliyiinta toogashadaasi cambaareeyay waxaa ka mid ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.
Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Fumio Kishida ayaa dhankiisa sheegay in ay qasab tahay in si wayn looga soo horjeesto nooc kasta oo rabshad ah oo caqabad ku ah dimuqraadiyadda.
Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Kier Starmer oo xusay in dhacdadaasi ay argagax ku beertay ayaa garab istaag u muujiyay cid kasta oo ay waxyeello ka soo gaartay.
Waxaa uu sheegay in rabshadaha siyaasadeed aynan meel ku lahayn bulshooyinka dhexdooda.
Ra’iisul Wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa dhankiisa toogashada ku sheegay mid walaaceeda leh iyadoo dhigiisa Canada Justin Trudeau uu ku tilmaamay fal aan la aqbali karin.
Waxaa sidoo kale toogashadii lala eegtay Donald Trump ee ay waaxda dambi baarista Maraykanka ee FB-da ku sheegtay iskuday dil oo uu ka badbaaday siyaasigan cambaareeyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, dhigiisa Hungary Viktor Orban,madaxweynaha Braziil Luiz Inacio Lula da Silva , Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi , madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, dhigiisa Ukraine Volodymyr Zelenskyy, madaxa guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen , Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni , madaxweynihii hore ee Maraykanka George W Bush , sidoo kale Barak Obama, Joe Biden, xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken oo dhammaantood Donald Trump u rajeeyay caafimaad degdeg ah.