Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Ruto oo sheegay in heshiiskii Raila iyo Uhuru uu carqaladeeyay fulinta mashaariicda...

DHAGEYSO:Ruto oo sheegay in heshiiskii Raila iyo Uhuru uu carqaladeeyay fulinta mashaariicda horumarineed

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in kulankii iyo heshiiskii taariikhiga ahaa ee 9-kii bishii saddexaad ee sanadkii 2018-kii dhex maray madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga uu wax u dhimay qorshaha fulinta mashaariicda horumarineed ee xisbiga Jubilee.
Waxaa uu soo jeediyay in la dedejiyo hannaanka sharci beddelka ee BBI si loo sii wado dhaqangelinta mashaariicda dhanka caafimaadka, sare u qaadidda wax soo saarka , la tacaalidda cunno yarida iyo guriyeynta.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay inaynan jirin cid si gaar ah wax ugu tilmaami karto oo uu ka dhageysanaya ama intii ay u caga jugleyso saameyn ku yeelanaysa.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka oo u muuqday in uu farriin dadban u diraya Raila Odinga ayaa xusuusiyay in lagu soo dhaweeyay Jubilee oo laga doonayo inuunan hilmaamin inuu marti yahay.

Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu maanta tagay ismaamulka Kericho.
Waxaa sidoo kale halkaas hadalo ay ku taageerayaan qorshaha siyaasadeed ee Ruto sidoo kalena kaga soo horjeedaan qorshaha BBI ka jeediyay qaar ka mid ah xulafadiisa sida Kipchumba Murkomen, Kimani Ichung’wa iyo Issac Ruto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments