Waaxda dambi baarista Maraykanka ee FBI-da ayaa xaqiijisay in madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump uu badqabo.
Waxay sheegtay inuu ka badbaaday iskuday toogasho oo la doonayay in lagu dilo.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay isku soo bax siyaasadeed oo lagu qabanayay gobolka Pennsylvania .
Xeer ilaaliyaha magaalada Butler ayaa sheegay in la dilay ninkii rasaasta furay ee toogashada sameeyey.
Waxaa sidoo kale halkaasi ku dhintay qof kale oo ka mid ahaa dadkii daawanayay Trump oo isku soo baxa ka hadlayay iyadoo ay dhaawacyo culus oo gaareen labo kale.
Donald Trump ayaa sheegay in lagu toogtay xabbad jartay qaybta sare ee dhagtiisa midig.
Siyaasiyiinta Maraykanka ayaa garab istaag u muujiyay Trump.
War qoraal ah oo uu soo saaray ololaha Trump ayaa lagu sheegay in madaxweynihii hore Maraykanka lagu daaweeyay xarun caafimaad oo maxalli ah.
Waxaa uu u tegay magaalada Butler ee gobolka muhiimka u ah ololihiisa doorashada si uu isu soo bax ugu qabto.
Ilaallada gaarka ah ayaa qoraal ay soo saareen ku yiri “dhowr toogasho ay ka timid meel dusha sare ka ah dhulka oo ka baxsan goobtii uu Trump ka hadlayay.”
Dhanka kale, madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa yiri “qof walba waa inuu cambaareeyaa weerarka, rabshadaha noocaan ah meelna kuma lahan Maraykanka, waa wax xun.”
Trump ayaa soo bandhigayay shaxda tirada dadka muhaajiriinta ah ee ka soo gudbaya xadka Mexico markii ay billaabatay maqalka dhawaaqa rasaasta.
Trump ayaa la arkayay isagoo gacantiisa midig gacanta ku haya, waxaana wajigiisa ka muuqday dhiig.
Waxaa si degdeg ah isugu gadaamay saraakiisha illallada gaarka ah ee Secret Service, kuwaas oo ka dib kala cararay masraxa, iyada oo dadweynihii goobta isugu yimid ay qaylinayeen.