Waxaa lagu warramayaa in haweeney iyo cunugeeda ay dhinteen ka dib dab ka kacay qolkii ay deganayeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhacdadan looga shakisan yahay isdil.
Warbixinnada qaar ayaa tilmaamaya in haweeneyda qolka ay hoos ka xirtay ka dibna dab qabadsiisay.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay dhismo ku yaalla deegaanka Kasarani ee ismaamulka Nairobi.
Ann Wanjala oo 30 sano jir ahayd iyo gabadheeda oo saddex jir ah, ayaa la helay iyagoo jirkooda inta badan gubtay.
Sidoo kale, waxaa la soo badbaadiyay ilmo yar oo uu dhaawac culus soo gaaray.
Maamulaha dhismaha dhacdadan laga soo tabiyay ayaa warbaahinta u warrantay.