Waxaa la xaqiijiyay in afar ruux oo isku qoys ah ay ku geeriyoodeen tuulada Entara ee ismaamulka Kajiado.
Tani ayaa timid ka dib markii abaare 3-dii subaxnimo ee maanta uu dab qabsaday gurigooda.
Dadka dhintay ayaa isugu jiro labo carruur ah iyo waalidiintooda.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shakhsiyaadkan uu jirkooda gubtay ilaa heer aan la aqoonsan karin in kastoo markii dambe dabka la demiyay.
Meydadka afarta qof ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka deegaanka Oloitokitok iyadoo ay ciidamada booliiska baaritaano guda galeen.
Qaar ka mid ah shacabka ayaa warbaahinta u sheegay in ay qabaan shaki ah in guriga qoyskaasi si ula kac ah dab loo qabadsiiyay.