Agaasimaha isgaarsiinta ee hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA , Juliette Touma ayaa sheegtay in Qaza ay halis ugu jirto inuu ka baxo jiil dhan oo carruur ah.
Waxay hoosta ka xarriiqday in tani ay dhici doonto haddii uu sii socdo duullaanka militari ee ay Israa’iil ka wado Qaza.
Touma ayaa sheegtay in tan iyo bishii Tobnaad ee sanadkii hore, ugu yaraan 600,000 oo carruur ah oo ku nool Qaza aynan waxbarasho haysan.
Waxay sheegtay in carruurtan ay khatar ugu jiraan in siyaabo qaldan loo adeegsado ama looga faa’iidaysto shaqaaleysiinta , in ay ku biiraan kooxaha hubeysan ama in gabdhaha xilli hore la guursado.