Xeer ilaaliyaha guud oo beeniyay in madaxweynaha uunan la tashan

0
453

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Justin Muturi ayaa shacabka ku boorriyay in ay iska dhaga tiraan warbixinnada warbaahinta ee sheegaya in madaxweynaha dalka William Ruto uunan kala tashan arrimaha dhanka sharciga.
Muturi ayaa xusay in wararkan aynan xaqiiqada ku saleysnayn.
Waxaa uu cadeeyay inuu xiriir wanaagsan oo wada shaqeyn ah uu la leeyahay hoggaamiyaha dalka maadaama uu yahay la-taliyihiisa ugu sarreeya ee dhinaca sharciga.
Tani ayaa timid ka dib markii wargeys maxalli ah uu tabiyay in Justin Muturi uu cabasho ka muujiyay in aan lagala tashan qaadashada go’aammada muhiimka ah ee qaranka.