Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta carruur walaalo ah ay miino kula qaraxday magaalada Xeraale ee gobolkaasi, waxaana soo gaaray dhimasho iyo dhaawac.
Carruurta oo ahaa labo wiil iyo gabadh ayaa midka u weyn da’ ahaan jiray 6 sano, waxaana ku qarxay miino ay ku ciyaarayeen, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.
Labo ka mid ah carruurta ayaa goobta ku geeriyooday, halka mid kale dhaawac culus soo gaaray saacado ka dib uu isna ku dhinatay isbitaal ku yaalla magaalada Xeraale.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in falkan uu ku reebay argagax wayn, isla markaana ay soo wajahday cabsi xooggan oo la xiriirta haraadiga hubka iyo walxaha qarxa oo dhulkaasi ku badan, maadaama ay ka jiraan dagaallo iyo colaado sokeeye.
“Meeshan waxaa ka dhacday ciyaal-baa miino ku qaraxday, miinada ilaa iyo hadda meel ay ka keeneen lama yaqaano, hadda waxaan ku jirnaa aaska saddexda carrruuta ah” ayuu yiri.
Dhanka kale ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga ee Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan.
Soomaaliya waxaa inta badan la soo wariyaa waxyeello ka dhalata haraadiga hubka aan weli qarxin iyo miinooyinka dhulka lagu aaso oo ay dhibaato ka soo gaarto shacabka.
Si kastaba, tan iyo dagaallada sokeeye ee wadanka ka dhacay, waxaa la arka haraadiga hubkii lagu dagaalamay oo yaallo goobo kala duwan, taasi oo inta badan ay khasaare kala kulmaan carruurta yar yar ee Soomaaliyeed.
Home Wararka Soomaaliya Carruur walaalo ah oo ku geeriyootay miino kula qaraxday deegaan ka tirsan...