Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa dadweynaha ka codsaday in ay soo gudbiyaan warbixinnada la xiriira jeedinta hadallada naceybka ku saleysan.
Kenyaanka ayaa sidoo kale laga doonaya in ay guddigan la wadaagaan xaqiraadda qowmiyadaha, kicinta dadweynaha , takoorka iyo shaqaaqooyinka wax u dhimi karo wadajirka rayidka.
Guddoomiyaha guddiga NCIC Samuel Kobia ayaa sheegay in warbixinnadan lagu gudbin karo nambarka farriinta gaaban ee 1547.
NCIC ayaa barteeda rasmiga ee X ku sheegtay inay si dhow ula socoto dhacdooyinka hadallada naceybka ku saleysan ee lagu faafiyo baraha bulshada iyo madasha kale ee dadweynaha.
Guddigan ayaa hoosta ka xarriiqay in kiisaskan ay yaraadeen ka dib markii shacabka lagu wacyigeliyay baahida loo qabo xakameynta oraahda naceybka iyo liiditaanka qowmiyadeed.
Intii u dhexeysay bishii Afaraad ilaa bishii Lixaad ee sanadkan , guddiga NCIC ayaa guddoomay 67 kiis oo 43 ka mid ah ay baaritaanadooda marayaan heerar kala duwan.
2 ka mid ah dacwadahan ayaa hor yaalla maxkamadda, 13 ayaa la gabagabeeyay iyadoo 13 kalena lagu dhameeyay qaab heshiis ah.
Marka la eego dhanka baraha bulshada, guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ayaa shaaca ka qaaday 44 xaaladood oo takoor ku saleysan, 24 la xiriira kicin dadweyne, 6 naceyb ah, 96 ku saabsan warar been ah.
Guddiga NCIC ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay ka shaqeynta sidii ay Kenya nabad ku sii ahaan lahayd.
Home Wararka Kenya NCIC oo shacabka ku boorrisay inay soo sheegaan dadka jeediya hadallada naceybka...